Dawo Safar aan la garanayn Kadib dilkii ay maleeshiyada Al-Shabaab u geysteen aabihiis iyo walaalkii, 15 jir Saacid wuxuu dareemay halis. Waxa uu ka tagay gurigiisa oo ku yaalla bartamaha magaalada Buuloburde si uu u raadiyo amni iyo fursad kale oo ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu ifka kaga tagay hooyadii, walaashii, saaxiibtiis iyo wax kasta oo uu yaqaanay
Dawo Nolol Maameedka Anagoo la kaashanayna BBC Media Action, waxaanu soo bandhigaynaa filimo gaagaaban oo taxane ah, ku saabsan sheeko ‘Nolol maalmeedka’ qaxootiga, taas oo muujinaysa waxtarka ay qaxoontigu eey kusoo kordhiyeen bulshada ee la noolyihii.
Dawo Sheekadii Ali Baashi Ali waxaa lagu qasbay inuu ka baxsado Soomaaliya si uu uga baxsado qoritaanka Al Shabaab. Waxa uu galay safar halis ah oo ay ku hayeen tahriibayaal kala duwan oo ku sugan dalka Libya. Ugu dambeyntii, waxaa loo daadgureeyay Niger iyada oo loo sii mariyay habka Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah ee UNHCR (ETM) si looga daadgureeyo qaxootiga iyo magangelyo-doonka nugul ee Liibiya.
Dawo Fursadaha Waxabarasho ee u Furaya Jilisanaanta Cusub ee Qaxootiga Maymuun iyo Mahamed ayaa iyaga iyo qoysaskooda uga soo qaxay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya iyaga oo caruur ah, waxayna magan u noqdeen dalka Itoobiya. Waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee qoysaskooda ah ee helay waxbarasho jaamacadeed.
Dawo Sheekada Yaasmiin Yaasmiin waxay lahayd makhaayad yar oo ku taal magaaladeeda Soomaaliya. Maalin maalmaha ka mid ah ayay ragga qafaalatay qaarna way kufsadeen. Ka dib waxay noqotay mid bulshada dhexdeeda laga caayo, dadku waxay joojiyeen inay lahadlaan oo joojiyaan imaansheedii maqaayada. Waxay sii joogi kari weyday halkaas waxayna goaansatay inay ka baxdo Soomaaliya, iyada oo qaadaysa marinka tahriibka ee u sii gudbaya Yemen iyo Suudaan una sii gudbaya Liibiya, iyada oo rajeynaysa in ay gaadho Yurub. Waxay ku xidhnayd Liibiya ugu dambayntiina waxay UNHCR u daadgureeysay Niger halkaas oo uu sugayo dib u dejin.
Dawo Sheekada Cabdi Cabdi wuxuu gurigiisa uga cararay abaarta iyo nabadgelyo-xumada guud ee ka jirta Soomaaliya. Wuxuu u safray Yemen markii hore, ka dibna wuxuu aaday Suudaan wuxuuna u sii maray Saxarara ilaa Liibiya. Wuxuu si xun ula dhaqmay iyo bahdilaad gacan tahriibiyaasha. Waxaa lagu xidhay Liibiya ugu dambayntiina UNHCR ayuu u daadgureeyay Niger halkaas oo uu sugayo dib u dejin.
Dawo SheekadII Liibaan Maxamed: Qolkii Jidh dilka ee cidlada ku yaalay "Waxaa halkaas ku yaalay qol ay ugu yeedheen “Cadaabta” ama “qolka geeridi” marka ay halkaas noo qadeen, waxay naga soo laalaadiyeen saqafka sare ee qolka, wayna na jidh dileen, iyagaa oo noo isticmaalaya koronto iyo caag la dhalaaliyay”
Dawo Sheekada Mustafe: Riyadii dambsayka noqotay “Waxa lay sheegay inYurub ay lacagtu iska daadsan tahay dhulka, in aad meel kasta ka heli karto. Qof kasta oo ku dhaafaa in uu dhawr kun oo dollar uu kuu dhiibi doono. In ay tahay meel aad si fudud lacag u heli karto mustaqbalna aad ka samaysan karto. Sidaas darteed baan magafayaasha u raacay.”