Mustafe wax mustaqbal ahi ugamay muuqan magaaladiisa Hargeysa Soomaaliya, kaliya shaqo la’aan ayaa u muuqata. Waxa uu maqlay sheekooyin cajabiyay oo la xidhiidha sida fudud ee Yurub hanti looga tabcan karo, waxana uu go’aansaday in uu halkaas tago. Magafayaashu waxay u sheegeen in ayuu safar fudud oo bil qaadanaya uu yahay.
“Waxa lay sheegay inYurub ay lacagtu iska daadsan tahay dhulka, in aad meel kasta ka heli karto. Qof kasta oo ku dhaafaa in uu dhawr kun oo dollar uu kuu dhiibi doono. In ay tahay meel aad si fudud lacag u heli karto mustaqbalna aad ka samaysan karto. Sidaas darteed baan magafayaasha u raacay.”
Safarka Soomaaliya ilaa Yemen uma sahlanayn sidii ay magafayaashu iigu sheegeen. Baddu way kacsanayd, biyaa kolba soo galayey doonta badmareennadu na dad bilaa naxariis ah bay ahaayeen. Markay Yemen joogeen isaga iyo dadkii kale ee safarka kula jiray ba waxa la geeyay Badda cas halkaas oo ay dooni Suudaan uga raaceen. Waxa uu waayay doonidii Suudaan u qaadi lahayd, dabadeed waxa uu go’aansaday in uu ku soo laabto Hargeysa oo ay hooyadii ku xanuusanaysay. Intii uu dalka joogay waxa uu ka shaqayn jiray dukaan, laakiin waxa uu ku hamiyi jiray in uu Yurub tago. Saddex bilood ka dib markii ay hooyadii bogsatay ayuu hadana baxay.
“Waxaan lahaa hami sare. Riyo weyn oo ahayd in aan noqdo qof caan ah, la qaddariyo, maamuuso oo maalqabeen ah. Riyadaydu wax ka weynayd kaliya in aan dukaan ka shaqeeyo. Waana sababta aan dukaanka iyo dalkaba uga tegay una bilaabay safarkaygii labaad ee dhinacaas Liibiya.”
Markan way u suurtagashay in uu dooni Suudaan u baxaysa helo, laakiin safarkii baddu waxa uu isu beddelay argagax. Wixii cunto iyo biyo ay siteen ba way ka dhamaadeen waxana ay ku kalliftay in ay biyaha badda cabbaan. Markii ay Suudaan galeenna magafayaashu waxa ay sii dhex mariyeen saxaraha Liibiya, halkaas oo ay kuwo kale ku wareejiyeen markay gaadheen tuulada Kufra. Waa la xidhay waxana loo sheegay in ay qoysaskoodii wacaan si lacag loogu soo diro. Si joogto ah ayaa loo garaaci jiray si qoysaskooda loogu khasbo in ay lacagta la soo dhakhsadaan. Xitaa waa in la bixiyaa lacagta kuwii dhexda ku soo dhintay.
Kolkii Mustafe lacagtiisa la bixiyay, waxa lagu qaaday booyad shidaal oo dhexda ku kala qaybsan oo tahriibayaasha loogu talogalay, waxana la sii dhexmariyay saxaraha. Waxa xitaa ku adkaatay neefsiga, booyaddana si xoog ah ayaa loo waday. Dan iyo muraad toona lagama lahayn dadka saaran. Markii ay soo gaadheen Bani Walid oo u dhow xeebta, Mustafe inaadeerkii ayaa xoog u xanuusaday kadib markii uu shidaal cabbay. Mustafe waxa uu go’aansaday in u cisbitaal Triboli ku yaalla uu geeyo. Iyaga oo dhexda sii maraya ayaa gaadhigii laga tuuray, waxana ay ku kelliftay in uu walaalkiisii xanuusanayay uu 40km sii qaado.
Mustafe waxa lagu xidhay Tiriboli waxana loo gudbiyay qaybta mustaafurinta tahriibayaasha. Muu doonayn in uu ka tanaasulo riyadiisii ahayd in uu Yurub tago dabadeenna waxa uu u baxsaday dhinaca xeebta halkaas oo uu dooni kale ka raacay. Baddii ayay ku jahawareereen, biyhiina waxa ay gudaha u soo galeen doonidii. Markii ay xaaladdu adkaatay waxa badbaadiyay markab Liibiyaan ah, waxana dib loogu soo celiyay xaruntii mustaafurinta. Mustafe markan wuu soo waayo arkay, kolkii loo soo bandhigay in dalkii dib loogu celiyo na si laab-furan buu u soo dhaweeyey.
“Qoyskagii aad bay ugu faraxsanaayeen in ay I arkaan mar kale sababtoo ah anigoo nool oo caafimaad qaba wax dhibaato ahi aanay ka muuqan ayaan ku soo laabtay. Way wada faraxsanaayeen si diirran na way ii soo dhaweeyeen. Waxaan is lahaa weligaa Liibiya ka bixi maysid. Haddaa weligaa Liibiya dhaafimaysid baan is lahaa.”