Dawo Aan laabasho lahayn Deeqa oo 24-sano jir ah waxay Talyaaniga ku nooshahay muddo 7 bilood ah iyadoo wali sugaysa go’aanka magangalyada
Dawo Go’aankii Khadar Khadar waxa uu Somalia ka soo tagay 2008 isagoo doonayay in uu gaaro UK. Waalidkiis way ka soo horjeedeen tahriibka balse wuu ku adkaystay iyagoo ugu dambeyntii ogolaasho siiyay. Isagoo ay soo jiidatay sawirada asxaabtiisa ay internetka soo galiyeen oo muujinaysa nolol wanaagsan.
Dawo Sanadihii badnaa ee uu Fahad dhuumaalaysiga ku jiray Isaga oo 13 sano jir ah ayay Al-shabaab isku dayeen in ay qasab askari uga dhigaan Fahad. Waxa uu u baxsaday Ethiopia isaga oo aan u sheegin qoyskiisa maadaama uu ka cabsi qabay in iyaga lagu qasbo in ay sheegaan halka uu ku suganyahay.
Dawo Riyada oo xaqiiqada la kulantay “Waxaan dareemayaa in aan tikidh u iibsaday filim dhamaaday.”Waa waqti galab ah oo lix ragg Soomaali ah ay wada fadhiyaan xarunta dhalinyarada Malmö, Sweden. Waxay si xiiso leh uga sheekeysanayaan waayo aragnimada ay kala kulmeen nolosha Yurub markii ay soo galeen iyo waxyaabihii ay ka filayeen.
Dawo Geeraar – Abwaan Sahal Osman (Sahal Qardhood) Usbuucan waxay bahda [Soo Bandhigida Xaqiiqada Tahriibka] idiin soo bandhigaysaa qayb ka mid ah geeraar uu tiriyay Abwaan Sahal Cismaan. Abwaanku wuxuu ka tiriyay geeraarkan hoose ku qoran waayo-aragnimadii uu ka dhaxlay tahriibka, sanadkii 2008. Abwaan Sahal hadda ku nool yahay dalka Sweden gaar ahaan magaalada Norrköping.
Dawo Asbaabaha Tahriibka iyo Xalkiisa Maxamed Aaden Xirsi (Terra) ayaa la wadaagay aragtidiisa ku aadan sababaha tahriibka dhallinyarada soomaaliyeed iyo sida uu u arko xalka looga hortagi karo. Terra ayaa la kulmay halw-wadeenada Soo Bandhigida Xaqiiqada Tahriibka, xilli uu booqasho ku yimid magaalada Stockholm, Sweden, bishii Nofeembar, 2016-ka.
Dawo Xayaysis Mashruuca Xaqiiqda Tahriibka - 2020 Daawo xayasiska si aad wax uga ogaato Mashruuca Xaqiiqda Tahriibka
Dawo Sheekada Xaragele: Baroortii cidlada ahayd iyo dhimashadii badda Xargeele wuxuu moodayay in safarka Yurub uu noqon doono mid gaaban oo fudud laakiin si xun ayaa loo marin habaabiyay. “Ganacsadayaashi waa kuwa bini-aadamnimo iyo naxariis midna kuma jiro. Ma tirin karo inta jeer ee la i garaacay. Waxaa la igu xidhay baabuur intii ay wadada maraysay si xunna u dhaawacmay. Taasi waa sida ay ahayd. ” La soco sheekadiisa!
Dawo Sheekada Cabdisamad Cumar: Walaashay waxay ku dhimatay badda laakiin wali waxaan rabay inaan safro "Markii aan maqlay dadka dhahaya inay dib u noqonayaan oo ay raadsadaan tahriibiye, taasi waa markaan xasuustay inaan walaashay wadadaas ku waayey. Waxaan mooday, haddii aad ku noqotid inaad halkaas ugu dhiman karto sida walaashaa oo hooyadaa sidoo kale ay kaa lumin doonto. Cabdisamad waxaa lagu badbaadiyay badda waxaana dib loogu celiyay Liibiya. Wuxuu go’aansaday inuu ku laabto Soomaaliya halkii uu naftiisa mar kale khatar gelin lahaa. La soco sheekadiisa!
Dawo Sheekada Cabdiraxman Xashi: Miyaan jooga, mise miyaan tagaa “Qaar ka mid ah asxaabteyda ayaa la safray tahriibiyeyaal. Waxay noo sheegeen inay ku noolaadaan nolol wanaagsan halkaas. Taasi waa waxa igu kalifay inaan iloobo noloshaydii macaanayd, iloobo hooyaday gacaliyahay, sidoo kale iloobo qoyskayga aan jeclahay, taasina waa sababta aan uga tagay. ”Cabdiraxmaan wuxuu mooday inuu si sahlan Yurub ugu mari doono Liibiya laakiin riyadiisii si xun ayaa loo jabiyey.
Dawo Sheekada Sacad: Safar uu qoomamayn doono Sadeed wuxuu dareemay inay xun tahay inuu ka tago qoyskiisa laakiin asxaabtiisa ku sugan Europe ayaa ku dhiirigaliyay inuu baxo. Safarka uu ku marayay dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa noqday mid riyo ah, isaga oo xaqiijinaya dhibaatadiisii ugu xumayd. La soco sheekadiisa!