Sacad waxa uu dugsiga sare kaga jiray Hargeysa, Somalia, markii uu go’aansaday in uu Yurub tago. U muu arkayn in uu mustaqbal ku leeyahay Somalia, asxaabtiisii Yurub tagtay na waxa ay qalqaalin jireen in uu u yimaado. Waxa uu la xidhiidhay magafe, kaas oo u qabanqaabiyay inuu safar ku sii maro Itoobiya, Suudaan iyo Liibiya. Sida ay inta badan sameeyaan dhalinyarada badan ee Yurub u baxaysaa qoyskiisa u muu sii sheegin, waxa se tani ku ahayd laba-bogleyn ba’an.
“Qoyskayga waxba kamay ogeyn go’aankayga, aniguna ma ba rabin in aan u sheego. Aad bay u xanuun badan tahay in aad qoyskaaga ka tagto oo aad tagto meel aanad waxba ka garaneyn. Waad qiyaasi kartaa sida ay u adag tahay. Hurdo wacan seexan maysid, fikradahaagu aad bay isu rogrogayaan, madax wareer ayaad qaadaysaa.”
Itoobiya ayuu yimid, waxa na u muuqatay in saadaashii xumayd ay run noqonayso. Magafayaashu u may sheegayn xaqiiqda safarka iyo dhibaatooyinka ka horreeya. Meel ku beegan xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan isaga iyo dadkii ay wada socdeen ba waxa qafaashay magafayaal Suudaani ah. Sacad waxa uu u maleeyay ba in ay sida budhcadda u dhaqmayeen.
“Dadkii ba waxa xadka kula wareegay budhcaddii. Iyagaa damacsanaa in ay dadka sii dillaalaan. Dadka way iibinayeen ba oo inta ay gacanta soo jiidaan sida xayawaanka ayay odhanayeen anigaa iibinaya, iyo maya kuwan anigaa leh!”
Magafayaashii waxa ay u qaadeen ilaa Khartuum iyagoo sii dhex mariyay saxaraha. Xaaladdu way qallafsanayd, kulayl aan loo adkaysan karin ayaa maalintii jiray, habeenkii na baraf ayay noqonaysay. Gaadhi xawli aan kala go’ lahayn ku socda ayay afar cisho saarnaayeen ilaa ay Liibiya ka gaadhayeen. Kolkaas ayaa lagu wareejiyay magafayaal Liibiyaan ah, waxa na loo sheegay in ay xaafadahoodii lacag waydiiyaan. Si arxan darro ah ayaa loo garaacay si culays loogu saaro waalidka in ay lacagta la soo degdegaan. Markii ay lacagta bixiyeen, ayaa loo diyaariyay qaybta labaad ee safarkan argagaxa badan ee la sii dhex marayo saxaraha Liibiya. Dad baa xanuuno u dhintay, dabadeed qunyar uun baa gaadhiga la tuurayay. Markii ay xeebta yimaadeen waxa loo sheegay in ay qoysaskoodii lacag kale waydiistaan, haddii ay diidaan na waa la ciqaabayay. Ugu dambayn Sacad xeebta ayuu isa soo taagay, doonidii na waa loo diyaariyay. Waxay ahayd dooni yar oo la buufinayo iyagaa na loogu talogalay in ay kaxaystaan ilaa Talyaaniga.
“Dooni yar bay na siiyeen oo ay badda noo dhex dhigeen. Waaba intaas. Halkaas bay kaaga tegayaan. Waad dhiman ama waad bedbaadi.Waad bedbaadi ama waad quusi. Ninka doonida wada na khibrad hore u ma laha. Mid naga mid ah ayuu ahaa. Laba cisho oo keliya ayaa lagu tabobaray sida doonida loo kaxeeyo iyo sida loo maamulo. Sida loo hago iyo meesha baatroolka lagaga shubo.”
Markii ay 18 saacadood badda ku jireen ayay jahadu ka luntay, iyaga oo xaalad xun ku sugan ayaa waxa soo bedbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya. Xabsiga ayaa la dhigay, halkaas oo Sacad yidhi xaaladdeedu waxay u xumayd sidii tii xerada oo kale. Halkaas ayuu ku jiray saddex bilood iyo badh markii loo soo bandhigay fursadda ah in uu dib dalka ugu soo laabto, isaga oo faraxsan ayuu aqbalay. Waxa uu dalka ku soo noqday isaga oo dareenno kala duwan leh. Mar wuu ku faraxsanaa in dib u soo noqday, mar na wuxuu ka muragaysnaa go’aankiisii u soo jiiday waxaas oo masiibo ah. Immika waxa uu dhalinyarada kale kala talinayaa in ay helaan xogta rasmiga ah ee Liibiya inta aanay dariiqaas isku marin.