“Waxay noo sheegeen in jidka taga Suudaan illaa laga gaadho lamadegaanka Liibiya uu fududahay. Waxay noo iibiyeen dhar iyo kabo. Maanaan garanayn waxaan hadda granayno, taasina waa sababta aan u aaminnay.”
Isla markiiba waxay ogaadeen in tahriibiyayaashii wanaagsanaa ay ahaayeen waraabe dharkii aadamaha xidhan. Dhaqankoodii way bedeleen markii saxarah la galay. Waxay noqdeen kuwa arxan daran oo si dhibbadan u dhaqmaya. Haweenka waa la dhibaateeyey oo la kufsaday. Dadkii waxay u dhinteen gaajo, cudur, iyo u kulayl aad u daran. Markii loo dhiibey tahriibiyayaasha Liibiya,arintii way ka sii dartay. Waxaa lagu xidhay xabsiyo xaaladdooda nadaafadeed aad u xuntahay waana la jidhdilay si ay qoysaskooda ugu qasbaan inay bixiyaan madax furashada.
“Madaxa ayay masaabiir kaaga tumayeen markaad dhiig baxdona halkaas ayay kaaga tegayeen.ragga iyo dumarka waxaa loo dhaqmayay si isku mid ah. Farqiga kaliya ayaa ahaa in dumarka lagu xadgubaaya. Dumarka way qaadanayeen waxayna soo haysanayeen afar cisho. Way garaacayeen si arxan daran. Dad badan oo dhalin yaro ah ayaa u dhintay argagaxii laydhka”
Markii uu lacagta bixiyay ka dib, waxaa loo ogolaaday inuu sii wato safarka laakiin waxaa afduubay koox kale oo budhcad ah oo dalbaday lacag badan. Markii uu ka soo badbaaday dhibaatadan, ugu dambeyntii wuxuu gaadhay badda xeeligeeda halkaas oo ahayd in ku sugnaado xero wada cudur ah si uu ugu sii gudbo badda dhexdeeda. Markii lasiiyay doon, waxay ahayd laash yar oo hawo laga soo buuxiyay, injiinkii wuu istaagay ka dib markay 16 saacadood bada ku jirtay. Waxaa badbaadiyey markab Liibiyaan ah waxaana dib loogu celiyay xeebta. Cabdiraxmaan muu dooneynin inuu is dhiibo oo markale ayuu isku dayaya tahriibtii, laakiin markan waxaa qabtay Ciidanka Ilaalada Xeebaha waxaanay keeneen xabsi kuyaala Liibiya. Hadda Cabdiraxmaan wuxuu dareemay innay dhib ku filani soo gaadhay.
“Taasi waa goortii aan go’aansaday inaan iska iloobo hamigeyga Yurub. Ka dib dhamaan wixii dhib ahaa, xanuun iyo silica ee i soo gaadhay waxaan doonay inaan ku noqdo wadankaygii oo aan halkaas ka bilaabo shaqo. Bilowgii waan jeclaa fikirka Yurub laakiin hadda waan nacay. Sababtoo ah dhammaan silica iyo caqabadaha aan kala kulmay jidka, waan iska daayay fikradda Yurub”
Isaga iyo safrayaashii kale ayaa dib loo celiyay waanu ku farxay in uu dib ugu noqday wadankiisii iyo qoyskiisii. Waxa uu uga digayaa ku wa qorshaynayaa in ay dariiqa tahriibta qaadaan in uu yahay riyo naxdin leh. Ma jecla in ay maraan safarkaa dadka uu jecelyahay iyo xataa cadowgiisa ugu darani toona.