Dawo
Sanadihii badnaa ee uu Fahad dhuumaalaysiga ku jiray
Isaga oo 13 sano jir ah ayay Al-shabaab isku dayeen in ay qasab askari uga dhigaan Fahad. Waxa uu u baxsaday Ethiopia isaga oo aan u sheegin qoyskiisa maadaama uu ka cabsi qabay in iyaga lagu qasbo in ay sheegaan halka uu ku suganyahay.