
SBC Somali TV
- Tahriibka iyo qatartiisa
Soo bandhigida xaqiiqada Tahriibka oo la kaashanayo SBC Somali TV sheeko oo ka ka dhacay Boosaaso, Gaalkacyo, Garoowe iyo Qardho.
Telefishinku wuxuu waraysi la yeeshay qoysaskii iyo asxaabtii ay dhibaatadu ka soo gaadhay dad ay jeclaayeen oo ay u tahriibinayeen iyo kuwa wax tahriibiya. Mid kastaa wuxuu sheekadiisa si qoto dheer uga sheekeynayaa, Aabbe awoodi waayay inuu bixiyo madax furasha wiilkiisa, walaasheed oo qalbi jab ku noqotay walaalkeed, hooyo ay la ildaran tahay geerida wiilkeeda iyo guud ahaan bulshada ay saamaysay.
Sheekadii Aabe ku sugan magaalada Qardho oo la dhibtoonaya siduu wiilkiisa uga soo badbaadin lahaa magfafe.
Waalidiintan ayaa ka sheekeynaya cabsida ay la kulmaan iyagoo og in caruurtooda gacanta ugu jiran magaffe.
Qoysas badan ayaa guryahooda iyo meheradahooda ku waayaan, si ay lacag maagaf ah u bixiyaan oo ay u soo celiyaan carruurtoodii ay afduubteen.
Tahriibka da'yartu waa aafo Somaliyeed
Telefishinku waxa uu soo qabanqaabiyay dood laga daawado taleefishinada, una furan dadweynaha, waxaana looga hadlay khataraha badan ee uu leeyahay dhaq-dhaqaaqa hore iyo saamaynta uu ku yeelan karo qoysaska iyo bulshada Soomaaliyeed.
Magangelyo-doonka iyo qaxootiga laftooda, u dhaqaaqida si aan caadi ahayn waxay kordhin kartaa la kulanka khatarta rabshadaha, dhiig-miirashada iyo xadgudubyada kale ee xuquuqdooda. Waxa kale oo ay abuuri kartaa khatarta ah in lagu daayo mugdiga, iyada oo aan haysan sharci sugan ama waddan diyaar u ah in uu aqbalo mas'uuliyadda go'aaminta magangalyo-doonkooda iyo iyada oo aan la siinin ilaalin halka ay xaqa u leeyihiin.