
Qaybti 3aad
Qaybti 3aad
- Barnaamij Cusub
The Telling the Real Story (TRS) waxey soo qabanqaabiyeen seddex bandhig oo wadahadal ah oo lala yeeshay qaxootiga Soomaalida iyo magangalyo doonka ee Qaahira si looga wada hadlo tahriibka. Kaqeybgalayaasha, rag iyo dumarba, waxay aad urajeynayeen inay la wadaagaan waaya aragnimadooda ayna ku taageeraan jaaliyadaha Soomaaliyeed dadaalada lagu soo bandhigayo halista iyo dhibaatooyinka tahriib.
Ifraah Ahmed waa dhaqdhaqaaqe bulsho oo caan ka ah Soomaliya. Si cabsi la'aan ah ee ugu ololeysa ka hortagga gudniinka fircooniga ah (FGM). Waxay ku hawlanayd barnamijka Soo Bandhigida Xaqiiqada Tahriibka ila 2017 dhawaana waxaa loo magacaabay Taageeraha Heerka Sare ee UNHCR.
Daawo Barnamijka Cusub
Kani waa qaybtii sedexaad ee taxane ah seddex barnamij oo lala gabtay Ifraax Axmed. Mawduucyada looga hadlay fiidiyowgaan waxaa ka mid ah xaaladaha foosha xun ee dadka ay la kulmaan markay ku socdaan tahriib iyo waajibaadka kuwa ka badbaaday inay dadka kale u sheegaan khataraha.