
Khadar: Halista naftaada uma qulma
Halista naftaada uma qulma
- Qiiso Somali
Khadar wuxuu ku koray magaalo yar oo Soomaaliya ah. Wuxuu xiiseyn jiray Fashion wuxuuna ku riyoonayay inuu aado dibada si uu u gaaro himilooyinkiisa. Qaar ka mid ah asxaabtiisa waxay aadeen Yurub waxayna ku dhajin jireen sheekooyin wanaagsan warbaahinta bulshada kuna saabsan noloshooda halkaas. Khadar wuxuu go’aansaday inuu isku dayo inuu u safro Yurub. Wuxuu la xiriiray nin wax tahriibiya wuxuuna u sii gudbay dhanka Ethiopia ilaa Suudaan, halkaas oo isaga iyo dadkii la safnaa ay ku xirnaayeen xero tahriibiyeyaal. Waxay ku qasbanaadeen inay halkaas sii joogaan muddo bil ah xaalado aad u xun.
"Waxaan ku nool nahay xaalado aad u adag, xitaa xayawaanku ma qaadi karaan taas. Cunno, biyo iyo hoy la'aan ayaa ku jirtay. Waxaan ku seexan jirnay qol ciriiri ah. Qaarkood ayaa u dhintey hawo la'aan awgeed."
Laga soo bilaabo Suudaan waxaa loo qaaday xero kale oo ku taal Liibiya. Waxaa lagu hayaa halkaas waxaana lasiiyay cunno iyo biyo aad u yar oo mararka qaar ay ku qasbanaadaan in ay kaadidooda iska cabbaan. Biyaha la siiyay waxay ku qasanaayeen batrool. Shan ka mid ah saaxiibbadii Khadar waxay ku dhinteen meeshaas. Maalin maalmaha ka mid ah xerada waxaa weeraray burcad iyadoo Khadar ay weheliyaan isaga iyo dhowr qof oo kale.
"Si kedis ah, markay fiidkii ahayd, ayaa dad aan la garaneyn ay rasaas nagu fureen. Waxaan xasuustaa in qof walba uu u cararay si uu u badbaado. Waxaan la joogay qaar ka mid ah dadka gaari wada. Waxaan u malaynayaa in badan oo kalena way dhinteen. Ma doonayo inaan xasuusto xilliyadaas murugada leh. ”
Kadib wuxuu u suuragashay inuu Masar aado dhanka Suudaan. Wuxuu isku dayey inuu raaco markab tahriibayaal ah oo u socdaalaya Yurub laakiin ma uusan suuragelin inuu fuulo. Doontaas ayaa markii dambe ay degtay oo 300 oo qof ay dhinteen. Maanta, Khadar wuxuu doonayaa inuu sheekadiisa u sheego dhalinyarada ku sugan Soomaaliya oo uga diga khataraha safarka aan caadiga ahayn. Wuxuu ka xanaaqsan yahay dadka qurbaha ku nool Yurub ee iyagu ku doodaya in safarku yahay mid fudud, oo ku kallifaya kuwa kale inay isku dayaan inay baxaan.

"In lagu faafiyo sawirro wanaagsan Facebook ma ahan wax wanaagsan. Waa in aad kor u qaadid wacyiga dhalinyarada dhexdooda. Waa wax xun in lagu dhiirigeliyo in ay la safraan tahriibiyeyaasha. ”