
Geeraar – Abwaan Sahal Osman (Sahal Qardhood)
Usbuucan waxay bahda [Soo Bandhigida Xaqiiqada Tahriibka] idiin soo bandhigaysaa qayb ka mid ah geeraar uu tiriyay Abwaan Sahal Cismaan. Abwaanku wuxuu ka tiriyay geeraarkan hoose ku qoran waayo-aragnimadii uu ka dhaxlay tahriibka, sanadkii 2008. Abwaan Sahal hadda ku nool yahay dalka Sweden gaar ahaan magaalada Norrköping.
Abwaanku isagoo fasiraayo xaaladda qurbaha sida ay tahay wuxuu yiri:
“ Alla waa ina hebel, Allah waa caatoobay, war wiilka ma waxaad siisaan, maya cid kaa naxayso ma jirto marka aad timaado qurbaha. Adigu ama sharoobo cab ama biyo cab ama seexo ama dhimo, haddaad dhimatana si fiican laguuma aasayo sanduuqa aad ogaydeen ayaa la idinku aasaaya. Haddaa Allaha u naxariisto lagu oran maayo, waa laga yaaba inta dariska ah oo masaajidka kuwada tukataan in ay kuu duceeyaan. Lakiin geeri sharaf leh ma dhimanaysid”, ayuu yiri Abwaan Sahal Osman.
Nuqul ka mid ah geraarkiisa waa kana:
“Anigoo Nindooroo
Dalkii hooyo joogoo
Deeq iyo wax garadloo
Dadka kala hagaayoo
Nimco aan dabaashoo
Deegaan ammaanoo
Deris iyo xigaalloo
Dadka la’iigu jecelyahay”
Fadlan halkaan ka daawo geeraarka oo dhan.